Muwaadinka Soomaaliyeed ee aabihii talyaaniga yahay, sitana shuclada nabadda iyo dibuheshiisiinta Soomaali weyn
Giuseppe Di Clemente iyo Aqonyahannada Soomaaliyeed, waxaa sharaf weyn iyo mudnaan u ah in ay bayaankan ku soo tabiyaan shucuurtooda iyo dareenkooda ku aaddan xanuunka uurkutaalida iyo damqashada leh ee ay qabyaaladda, is'naceybka iyo is'aaminid darridu baday aayihii samaa ee soomaali weyn.
Walaalyaal afar iyo toban sano baan dagaal, qax, dhaawac, dhimasho iyo dhagxumi u soo joognay. Majiro, noomana harin waqti, awood iyo dulqaad aannu ku eeganno ilmada ubadka soomaaliyeed, darxumida iyo dayaca dadkeenna, ba'a iyo hoogga jiritaan la'aanta
qaranimadeenna.
Walaalayaal garaadka iyo caqligu ha shaqeeyo, aannu ifsano darsiga waayuhu nabaray, aannu qiimeyno dhaxalka iyo miraha qaraar ee qabyaaladdu nagu maamuustay.
Aaway… sharaftii qarankeenna, aaway karaamaddii jinsiyadeenna, aaway damiirkii soomaalinimo, aaway isjaceylkii walaaltinimo, martisoorkii iyo mudnaantii ku dhisneyd is' ixtiraamka iyo maamuuska, xaggee u danbeysay dagganaantii siyaasadeed, nidaamkii dawladnimo, kala danbeyntii, nabadgelyadii iyo shuruucdii dhawri jirtay xaqa muwaadinka, nabadii iyo farxadii adduunku nagu yaqiin ee lanoogu soo martiyi jiray ?!
Dabcan, saxarna… waxna… innaba ha yaraatee kama heyno oo waan luminay, dabcan, belo, baas iyo hoogbaa noo baddalay.
Bal eeg holaca iyo habaaska hareeyay taako kasta oo dhulkeenna ka mid ah, bal eeg hanadada iyo hablaha aanu ku beelnay, bal u fiirso darxumida, tacadiga iyo karaamo darrida dal iyo dibad ku heysata agoontaannu aabbe tirnay, haweenkaannu asaayda huginay, maatada iyo dhalinyaradaannu curyaanimada badnay.
Bal eeg imisaa badaha hafasho ugu le'atay, imisaa bahaluhu ku calfadeen hawdka iyo saxaraha si ay waddamo qalaad u magangalaan, imisaa gaajo iyo oon ugu geeriyootey dhul ab iyo isir ayan abid cag dhigin iyagoo baxsad ka ah dagaallada ehelo-leyska iyo umulo-dooxa ah ee nagu habsaday.
Waxba, waxbaa kadarane, qabyaaladdu waxay na baday waxay nageyeysiisa ka daran.
Aaway sixadii iyo degaankii suubanaa ee soomaali eebe ku maneystay, yeey u xisaabsantahay nabaadguurka xoolaha, ugaadha iyo dhirta soomaaliyeed lagu boobayo, yaa loo ogyahay waxkaqabashada halista rubuc qarni jirsatay ee sunta nucliyeerka iyo haraaga sunta kimikada qatarta ah loogu aasay badaha iyo taako kasta oo ka mid ah dhulka soomaaliya ?...
Yaa laga filaayaa wax kaqabashada qaybaha qarxay ee suntaasi iyo dhibka caafimaad dari ee dalkeena hada ka taagan? Toloow waxkaqabad ma leedahay ? toloow horey sideenoo kale dhul iyo bad la sumeeyay inta la nadiifshay dib maloogu celshay sidey aheyd suntan ka hor ? ma rajo fiicna, balse dadaal soomaali weyn iyo garabgalka Illaahey mooyee.
Dhammaan masiibooyinkaas uurkutaalada iyo xanuunka weyn waa damiirka iyo nafhurista Gieseppe Di Clemente ku xanbaartay in uu ka haajiro ehel, caruur, xaas iyo nolol raaxadeed islamarkaana ugu badheedhay dhib, oon, gaajo, cidlo, cabsi iyo dhimasho isagoo baaskiilkiisa yar kusoo maray inkabadan 15 dal, kuna jaray 17000 Km, mudo dhan 17bilood si uu codkiisa iyo ilmadiisa ugu badbaadayo dhulkiisa hooyo islamarkaana fariintiisa baroordiiqda ah ugu gudbiyo quluubta iyo damiirka walaalihiisa soomaaliyeed iyo caalamkaba, waa waajibka muqadiska ah iyo masuuliyada aasaasiga ah ee muwaadinkasta oo soomaaliyeed laga dhawrayo.
Haddaba walaalayaal bayaankeenna waxaannu ku soo gunnaanideynaa baaqan ku wajahan dhammaan shacabka soomaaliyeed, masuuliyiintiisa iyo beesha caalamka.
Shacabka Soomaaliyeed
Walaalayaal, Abtiyaalo, Habaryaro, Dadkayagoow ha inoo ahaato abtirsiimadda aannu leenahay, abka iyo isirkeenana
Soomaali.
Walaalayaal aannu ilowno uurkutaalada iyo aanada qabiilka nabaday, aannu ka dhiidhino foolxumida, wajigabaxa iyo karaamidarida aanu ku suganahay, walalayaalow qabyaaladu malaha xad ay ku dhamaato sidoo kale colaadu colaad kuma dhamaato, naceybkuna naceyb laguma bi'inkaro, laakiin samirka, wadahadalka iyo jaceylka ayaa colaada, aanada iyo naceybkaba bi'iya.
Walaalayaal waxaanu si qalbi furnaan ah idiinku baaqeynaa.
- In aannu is cafino, is'aaminno islamarkaana Illaahay talo saarano soona celino is'jaceylkii, darisnimadii iyo walaaltinimo wanaagii soomaaliyeed.
- In aannu ka waantoowno qabyaalada, isla qabweynaanta, afxumida iyo dagaalka gacan ka hadalka oo aannu u wadajeesano baadigoobka nabada iyo dib u dhiska dalka.
- Tilmaankastoo bilaawasho u eg waxay dhaantaa wax la'aan.
- In qofba karaankiisa si wadajir ah aannu wax uga qabano qatarta iyo dabargo'a sunta degaankeena bad iyo bari lala soo beegsaday.
- In lagu fara adeygo dhismaha, hagaajinta iyo jiritaanka qaranka soomaalieed iyadoo loo hurayo naf maal, muruq iyo maskax .
Masuuliyiinta Shacabka Soomaaliyed
Dhamaan mas'uuliyiinta sare, mudanayaal, dhammaan Oday dhaqameedyadda, Cuqaasha iyo waayeeladda soomaaliyeed in kabadan todobo milyan oo mudo 14 sano halakeeyeen dagaal, dacdaro, cuduro iyo gaajo ayaad jiritaankooda iyo masuu'liyadooda qaadeen.
Dhaqaaqa oo dib ha u milicsanina xumihii shalay, waxaa idiin horyaala masuuliyad culus, waa xiligii si wadajir ah aad u rogi laheydeen garaangartii rajada nolosha, maxaa yeelay waxaa la idiinka sugayaa waajib mid ah, waxaad wadaagtaan hal masuuliyad, majiro waqti aad isku mashquushaan, waayo waxba idiinma bilowna.
Fadlan madaxda iyo mudanayaasha sharafta lehow waxaan idiin soo jeedineynaa :
- In shacabka soomaaliyeed iyo wadankaba aanu u horseedno dibuheshiisiin, nabad, horumar iyo maamul hufan anagoo maanka ku hayna murtidii soomaalieed ee oraneysay nin xil qaaday eed qaad.
- In aannu kaashano samir, dulqaad, isu tanaasulid iyo wadajir islamarkaana ahmiyad gaara siino soo celinta karaamada iyo sharaftii dalka iyo dadka soomaaliyeed.
- In talaabo dagdag ah aannu wadajir uga qaadno wax ka qabashada deegaanka sumoobay iyo kheyraadka badda ee dabargo'iisu bilaabmay.
Caalamka
Waxaanu mahad weyn iyo bogaadinba u soo jeedineynaa dhamaan bulsho weynta caalamka iyo cidkasta oo gacan ka geysatay waxkaqabashadda dalka iyo umadda soomaaliyeed sidaas oo kale cidkasta oo uu damqayo xaaladda banii'aadanimo iyo dhibka guud ee soomaaliya heysta.
Dhammaan bulsha weynta caalamka waxaanu si naxariis iyo banii'aadanimo leh ugu baaqeynaa :
- In ay nagu garabgalaan sidii aanu u soo ceshan laheyn xasilinoodii, nabadgalyadii islamarkaana u sameyn laheyn nabada, dib u heshiisiinta iyo maamul hufan.
- In ay gacan waxtar leh naga siiyaan sidii aannu dib ugu yagleeli laheyn kuna hanan laheyn dawrkii shariifka ahaa ee aannu bulshada caalamka kulaheyn.
- In caalamka nooga gurmado tacadiga iyo gaboodfalka sunta halista ah ee haraaga wasaqda warshadaha iyo nayukleerka loogu aasay taako kasta oo ka mid ah degaankeena iyo badeenaba taasoo waxyeeladeeda soo ifbaxday.
Gunaanad
Dhamaan madaxda, mudanayaasha, oday dhaqameedyadda, waayeeladda, haweenka, indheergaradka, aqoonyahanadda, dhalinyarada iyo caruurta soomaaliyeed.
Waxaan si naxariis, soomaalinimo, islaanimo iyo baniidinimo ku jirto idiinka baryeynaa in aad nala dareentaan shucuurta iyo dareenka dhiilada iyo walaaca cabsida leh ee naga dhexguuxaya.
Waxaanu idiin weydiisaneynaa in aad nala ooysaan, nala baroordiiqdaan oo aad nala garataan dareenka iyo fariinta runta ah ee uu qalbiga
Giuseppe Di Clemente nooga soo xanbaaray Switzerland si uu uga beero dhulkiisa hooyo iyadoo socdaalkiisa kasii waddi doono Nairobi kuna kala bixindoono Garisa, kismayo, Muqdisho, Gaalkacayo, Boosaaso, Hargeysa, Jabuuti, Adis'ababa, soonka shanaad ee soomaalida kadibna Muqdisho. Iyadoo shardigiisu yahay in aanu socdaalkiisa hakin inta soomaaliya ay ka hesho nabad taam ah ilaa aduunka oo idil uu kaga ekeeye garaangarista baskiilkiisa yar inta noloshu baaqi ku tahay. Isagoo leh walalayaalow, abtiyaal, habaryaro shucuurka iyo jaceylka nabadda ee ka buuxa quluubta caruurta, hawenka iyo bulshada Soomaali weyn aanu u rogno kuwo dhab ah oo xalwaara u noqda dhiiga daadanaya ee ummadeena.
Waxaan u mahad celinayaa Asxaabta iyo qofkasta oo gacan ka geystay soo saarista baaqan, islamar'ahaantana waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa saaxiibadey hoos ku xusan oo ii suuragaliyey In aan cabiro damiirkeyga dhabta ah ee ku aadan xaalada cabsida leh ee dadkeyga iyo dalkeyga.