ANCIS
Associazione Nazionale Comunità Italo Somala
www.italosomali.org
postmaster@italosomali.org

Codsadey: Giuseppe Di Clemente

Mudanayaal, Habaryerayaal, Abtiyaal, Walalayaal:
Marka ugu horeeysa iga gudooma salaan walaal iyo waalidnimo. Magaceeyga waa Giuseppe Di Clemente, ku dhashay Beledweeyne 1946, dhalashadeeyda waa Hooyo Somaali iyo Aabe Talayaani.

Waan ku faraxsanahay in Golaha Baarlamaanka Soomaalida ugu soo gudbiyo una soo jeediyo Salaan. 16-bilood ka hor aan Swisska aga soo tagay xaaskeeyga iyo caruurteeuda anno baaskiil wato. Ujeedada igu qasabtey in aan ku soo garaangaryo bushkaleeti dhoor iiyo 10 wadan u dhaxeeso Yurubka iyo Afrikaada, waxeei aheed: in aan tusiyo warbaahinta Caalamka, Xaalada Qallafsan ee Wadankeeyga Hooyo ee Soomaaliya haaysata. Danta kaliya aan leeyaha waxeey taha in la nabadeeyo wadankeeyga hooyo.

Waxaan jeclaan'lahaay in dib looga Fikiro xuriyada, midnimada Qaranka iyo sharafka calanca Soomaaliyeed, lana sameeyo maamul iyo kala danbeeyn ku dhisan sharci iyo cadaalad, lana... Xaqdhoowro shaqsi kasta o soomaali ka dhashey nin iyo naagba.

Sida idiin muuqata ee aan kor kusoo mujiyei dhalashadeeyda; nasiib darro-se sidaad ogtihiin Golaha Baarlamaanka Federaalka soomaalida ma jiro qof noo fadhiyo ama ka wakiil ah, una Doodaayo danaha dadka hooyo Soomaali iyo Aabe Talyaani ah.

Waxaa xaqiiqdu tahay in dadka hooyo soomaali iyo aabe talyaaniga ah, eey wadanka Soomaaliya XAQ !!! ku leeyihiin, WAA RUN ann laga maarmikarin. Waa inaad tixgalisaan Codsigeena ama talosoojeedinteena ku aadan arrimaha aan horey idiinku soo sheegay. Waxaan nahay dadka ama familka ugu tirada yar ee ka mid ah ummada Soomaaliyeed.

Waxaa xaqiiqdu tahay in qof waliba oo bani aadam ah oo ku nool Dunida uu helo XAQIISA. Ma ihi nin hadal badan, ma ihi nin siyasadeed, mana ihi nin ku shaqeya faallo iyo sheeko. Waxaan ka jeclahay in aad qabataan shaqo huufan iyo dadaal dheeri ah, madama qaranka Soomaaliyeed uu bur-bursanaa 14-sano. Sidaas darteed waxaan idiinka codsanaya in aad u dadaashaanna wadankeena iyo ummadeena: Waddada aan ku socono waa dheer-tahay, waa adag-tahay, waxaayna u bahan-tahay adkeeysi iyo geesinimo, kana fikira xaalada aay dadka soomaaliyeed maanta ku sugan Gudaha iyo dibada.

Gabagabadi, waxaan idiinka rejeeynayaa in aad il gaar ah ku eegi doontaan arrimaha dadka dhalashadooda ka soo jeedo hooyo soomaali iyo aabe talyaani. Mahadsanadiin.

Ka: Giuseppe Di Clemente

http://www.overlandtravel.com/bici-home.htm
Mailto:cycling@overlandtravel.com

<<<--- noqo / torna